28 Nov

Since 1960 – xisbiga udub oo ku dhawaaqay inaanay jirin cid madaxweyne rayaale kula loolami doonta murashaxnimada

Xisbiga UDUB oo Ku Dhawaaqay Inaanay Jirin Cid Madaxweyne Rayaale Kula Loolami Doonta Murashaxnimada

Sunday, 31 August 2008

Hargeysa (SomalilandnatioSample Imagen)- Xisbiga UDUB ayaa si rasmi ah u sheegay inaanay jirin cid  Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin kula loolami doonta Murashaxnimada Madaxweynenimo ee xisbigaas  uu gudoomiyaha u yahay.

Gudoomiyaha Guddida Siyaasada  ee Xisbiga UDUB Mudane Cumar Jaamac Faarax oo ay xalay   wargeyska Geeska Afrika uu wax ka waydiiyay  halka uu marayo  qaban qaabada  shirweynihii  xisbigaasi , ayaa sheegay  in Mudane Daahir Rayaale Kaahin  iyo Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin  oo tallada xisbigaas  isaga hooseeyaa noqon doonaan  labada nin ee mar labaad  xisbigaas  uga qayb geli doona  doorashooyinka  Madaxtooyada Somaliland oo la filayo in ay qabsoonto  sanadka 2009, waxaanu  sheegay in  shirweynihii  xisbiga la  qaban doono marka ay dhamaato bisha  Barakaysan  ee Ramadaan.

“Waxaanu hadda diyaarinaynaa  guddiyadii  qaban qaabada  wixii  Ramadaanta  ka dambeeya ayaanu  ku tallo jirnaa  inaanu qabsano  shirweynahayaga” ayuu yidhi Md Cumar Jaamac.

Isaga oo ka jawaabayay  inay jiraan wax murashaxiin  ah oo gudaha xisbigaas kula tartami  doonta Madaxweyne Mudane Daahir Rayaale Kaahin  amaba Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin  waxa uu yidhi “Sida uu dhaqanka siyaasadu  yahay , xisbiga talada haya gudoomiyaha  xisbigaas cid kale islama sharaxdo , sida la ogyahay Madaxweynaha Maraykanka  teeramkiisii labaad cidi islama sharixin  xisbigiisa Jamhuuriga,  Bill Clinton  oo ka horeeyay xisbigiisa  dimuqraadiga  cidi islama soo sharaxin , xisbiga Mucaaradka ee Ingiriiska isna cidi islama sharixin, markaas ilaa hadda ma jirto cid taagan  oo isla soo sharaxaysa, ee waxa u taagan  oo u sharaxan Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka  xisbigayaga. Anagu ma nihin xisbi Mucaarad ah  oo gooni taagan oo sidaas la isula sharaxayo ,  ee waa dhaqanka siyaasada oo xisbiyada adduunka oo dhan waa sidaas, cidina xisbiga talada haya teeramka labaad islama soo sharaxdo meel kasta oo ay dimuqraadiyadi ka jirto”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *