28 Nov

Ururka suxufiyiinta finland oo la kulmay wariyeyaal kusugan ethopia,,

Ethopia:(SIC)-Gudoomiye ku xigeenka Ururka suxufiyiinta Finland  Cawil Aadan Dhoore  (Cawil Suxufi, ayaa la kulmay qaar katirsan wariyeyaasha  kusugan magaalada Addis-ababa ee wadanka Ethiopa,

Cawil waxa uu kulan la qataay wariyaha rug cadaaga   Maxamed Aweys Muudey  Boqorka Bartamaha oo ka mid ah wariyeyaasha ugu caansan Soomaaliya,  waxa uu yiri  aad ayaan ugu farxasan yahay in aan  maanta kulan laqaato  xubin ka mid ah Ururka suxufiyiinta Finland ee (SUJOF) wuuxuna  sidoo kalana umahad celiyaay dhamaan xubnaha Ururka, Mr. Mudey  Boqorka bartamaha  ayaa shegay in ay fiicantahay in aay iska war hayaan dhamaan bahda saxaafadda  Soomaaliya,

dadka kuwa isku jecelna waa suxufiyiinta waana dadka isku baahan  waa madaxa iyo timihiisa ayuu yiri  Boqorka bartamaha,  wuxu sidoo kale shegay in saxaafada Soomaaliya ay qabato dhibaatooyin farabadan isla markaana aaysan laqabin dunida inteeda kale,   asgoo sidoo kalena is bar bardhig kusmeyay bal xiligii dowladii soomaaliya  oo uu kamida ahaa wariyeyaashii Radiomuqdisho asagoo sheegay in farqi weyn udhaxeeyo, Wariye  Boqorka ayaa  kawar bixiyay dhawac kasoo garay qarixii  Hotel Shamow oo kamid noqday wariyeyaashii fara kutiriska haa ee kabad baday, wuxuuna shagay  in ay aheeyd dhacdo xanuun badan oo aysan illaawi karin  asaga iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed  garahaan bahada saxaafada  oo kuweysay wariye yaal dhowra ah,

Wariye boqorka ayaa kamid ahaa wariyeyaashii caanka ahaa ee Radiomuqdisho asagoo ilaa mudo afartan sano kabadan uu kashaqeynayay  warbaahinta kaladuwan ee gudaha wadanka Soomaaliya wuxuuna sidoo kale baaq udiray dhamaan dhinacyada Soomaaliya, wuxuuna yiri waa in la  xaqdhowraa wariyeyaasha u adeegaya bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba

Awil Aadan Dhoore Addis-ababa,Ethiopia

Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *